Secure WordPress Website with WordPress Toolkit

Updated on September 23, 2022

Marka la joogo internetka gaar ahaan website-ka, badi mareeg yada waxa ay ku dhisanyihiin barnaamij la yiraahdo “WordPress” taas oo muhiim ay tahay in mar walbo la cusbooneysiiyo lagana dhigo mid aamin ah(update & secure).

Hadaba qormadaan waxaan idin kaga faa’iideeysan doontaa qaabka ugu fudud ee wordpress website-kaada aad aamin (secure )uga dhigan karto adiga oo raacaya talaabooyinka WordPress Toolkit.

Inta aan u gudbin qaabka ammaan looga dhigi karo wordpress-ka, marka hore aan sharaxaad kooban ka bixiyo WordPress Toolkit.

WordPress Toolkit: waa tool casri ah oo loogu talagalay in ay kuu fududeeyso maareeynta websiteyada ku dhisan WordPress, kaas oo la yimaado hosting-ka ,waxaa loogu tala galay in si fudud aa wordpress-ka Update u dhahdo (Theme iyo Plugin intaba) sidookalana secure aad ka dhigto adiga oo raacaya tilmaamaha ay ku siineeyso.

Si aad secure uga dhigto wordpress-ka website-kaada raac tilmaamahaan:-

  1. Marka hore gudaha u gal Cpanelka (login cPanel)
  2. Marka aad cpanelka soo gasho waxaad baartaa magacaan WordPress Toolkit kadib kuji
  3. Waxaa kuu soo bixi doono shaashada sidaan oo kale ah.
  4.  Waxaa kuu soo bixi doono shaashadaan, kadib dooro dhamaan meelaha calaamadda saxda ay saarantahay
  5.  Ugu dambeeyn marka aad doorato qodobada aad rabto waxaad gujisaa Secure

Hadaba Mar walbo WordPress Websitekaada Update ha ahaado themes iyo Plugins intaba, sababtoo ah dulduleelada ugu badan wax ay ka yimaadaan theme iyo plugin out of date ah.

Explore more

Scroll to Top